Arsenal Oo Man United Ku Cidhiidhinaysa Saxiixa James Maddison & Gunners Oo Haatanba Bilowday Qorshaha Ay Ku Doonayaan Xiddiga

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaain ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqayso saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Leicester City ee James Maddison sida ay sheegayaan wararku.

Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay xagaaga dambe Man United kula tartanto saxiixa xiddiga khadkadhexe si ay ugu xoojiyaan kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Man United ayaa Maddison lala xidhiidhinayay tan ilaa xagaagii hore laakiin Red Devils ayaa ku dhibaatoonaysa in ay Leicester City kala heshiiso qiimaha xiddigah kuwaas oo ku adkaysanaya in uuna xididgu iib ahayn inta lagu jiro bishan.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Arsenal haatan ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Maddison kaas oo ay doonayaan saxiixiisa marka la gaadho suuqa January.

Waxa la sheegayaa in Maddison lagu heli karo lacag dhan 90 milyan oo euro waxana ay Arsenal diyaarinayaa uruurinta qiimahaas inta lagu jiro suuqan.

Arsenal ayaa iska iibinaysa qaar ka mid ah xiddigaha kooxdeeda bishab si ay xagaaga dambe ugu dhaqaaqdo saxiixa Maddison kaas oo uu Arteta taageero weyn u yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*