Arsenal Oo Loo Sheegay In Ay Iska Iibiso Aubameyang & Lacazette, Maxay Tahay Sababtu

Kooxda Arsenal ayaa loo sheegay in ay iska iibiyaan xiddigaha weerarka uga ciyaara kooxda ee Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette marka la gaadho suuqa xagaaga laakiin waa hadii ay labada xiddig diidaan in ay heshiis cusub u saxiixaan kooxda.

Heshiiska Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhacaya wax yar 18 bilood ka yar halka heshiiska Alexandre Lacazette uu dhacayo xagaaga 2022.

Labada xiddig ayaa haatan ah xiddigaha ugu fiican Arsenal iyada oo uu Pierre-Emerick Aubameyang dhaliyay 57 gool sidoo kale caawiye ka noqday 13 kale 91 kulan oo uu ciyaaray.

Dhanka kale weeraryahanka Alexandre Lacazette ayaa dhankiisa dhaliyay 42 gool sidoo kale caawiye ka noqday 20 kale 107 kulan oo uu u saftay kooxda.

Labada xiddig ayaa dhaliyay 44% goolasha kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan inkasta oo uuna Lacazette wakhtigii ugu dambeeyay goolal u dhalin kooxda.

Laakiin mustaqbalka labada xiddig ayuu shaki weyn ku jiraa inkasta oo uu ay qaab ciyaareed fiican soo bandhigeen tan ilaa markii uu Mikel Arteta la wareegay kooxda.

Saxafiga Wargayska The Athletic ee Lawrence ayaa Arsenal u sheegay in ay iska iibiso labada xiddig xagaaga hadii ay diidaan in ay heshiis cusub u saxiixaan kooxda.

“Arsenal waxa hor yaala laba dookh oo ku saabsan mustaqbalka xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette, waana heshiis cusub saxiix ama kooxda isaga taga xagaaga”ayuu yidhi

“Hadii ay sidaas dhici waydo waxa ay mar kale gali doonaan xaaladii Ozil iyo Ramsey oo kale”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*