Arsenal Oo Dalab Ka Gudbisay Xiddig Uu Arsene Wenger Doonayay Markii Uu Tababaraha U Ahaa Kooxda

Kooxda Arsenal ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Ac Milan ee Franck Kessie sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Italy.

Xiddig Franck Kessie ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay premier League isaga oo xitaa bartilmaameed u ahaa tababarihii hore ee Arsenal Arsene Wenger markii uu hogaaminayay Gnners.

Tababaraha haatan ee Mikel Arteta ayaa doonaya in uu xoojiyo kooxdiisa bisha January laakiin Arsenal ayaa kaliya doonaysa xiddigo ay heshiis amaah ah ku heli karto.

Arsenal ayaa xagaagii hore lacag 150 milyan ah galisay suuqa Waxana Arteta loo sheegay in uuna heli karin lacag uu saxiix Rasmi ah ku sameeyo laakiin heli karo xiddigo amaah ah.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in ay Arsenal dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Kessie kaas oo ay heshiis amaah ah ku heli doonto bishan ka hor inta aanay xagaaga 21 milyan ku iibsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*