Arsenal Oo Dagsatay Qorshe Ay Pierre-Emerick Aubameyang Diyaar Ugaga Dhigayaan Kulanka Chelsea Inkasta Oo Uu Ganaax Ku Seegi Doono, Maxay Damacsan yihiin.

Kooxda Arsenal ayaa aaminsan in ganaaxa 3-da kulan ee Pierre-Emerick Aubameyang yahay mid ka bad-badis ah kadib kaadhkii casaa ee loo taagay kulankii Crystal Palace waxana ay isku dayayaan in ay yareeyaan kulamadaas.

Weeraryahanka reer Gabon oo ah xiddiga ugu goolasha badan Arsenal xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 14 gool oo premier League ah ayaa kaadhka cas ku qaatay kadib markii uu khalad ku galay xiddiga Max Meyer kadib markii VAR soo dhex gashay kadib kaadh digniin ah oo la siiyay markii hore.

Pierre-Emerick Aubameyang ayay la macno tahay in uu seegi doono 3 kulan oo muhiim u ah Arsenal kuwaas oo kala ah Sheffield United, Chelsea iyo Bournemouth.

Inkasta oo ayna Arsenal Racfaan ka qaadan doonin ganaaa 3-da kulan ah shabakada Goal.com ayaa sheegaysa in ay doonayso in ay yarayso ganaaxa uu seegi doono.

Waxa ay dareensan yihiin in uuna Pierre-Emerick Aubameyang si kas ah khaladka u galin waliba uuna sidoo kale ahayd dhaawac halis ah sidaas darteed ay doonayaan in hal kulan lagu koobo ganaaxa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*