Alexis Sanchez Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Soo Laabanaya Man United & Wakhtiga Uu Soo Laaban Doono Oo La Ogaaday

Alexis Sanchez ayaa lagu soo waramayaa in uu si lama filaan ah ugu soo laabanayo kooxda Man United ka hor inta uuna xidhmin suuqa Janaury ee bishan Sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa doonaysa in ay Aleixs Sanchez siiso fursad uu Dib boodhka ugaga jafi kaor mustaqbalkiisa Old Trafford xilli uu tababare Ole Gunnar Solskjaer doonayo in uu xiddiga fursad siiyo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sanchez ayaa ku fashilmay Man United kadib markii uu ku soo biiray kooxda suuqii January 2018 isaga oo heshiis amaah ah uga tagay kooxda kuna biiray Inter xagaagii hore.

Wargayska Daily Mail ayaa haatan sheegaya in ay United wakiilka xiddiga u sheegtay in uuna xiddigu si joogto ah ugu biiri doonin Inter dibna ugu soo laaban doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha in la siin doono fursad cusub.

Sanchez ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu ku biiray Inter Milan inkasta oo uuna joogto ugu ciyaarin sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*