Aguero Oo Jabiyay Laba Rikoodh Oo Premier League Ka Yaalay kadib Saddexleydii Aston Villa

Xiddiga kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa jabiyay rikoodho kadib saddexleydii uu ka dhaliyay kooxda Aston Villa kulan ka tirsana premier league.

City ayaa 6/1 ku garaacday kooxda Aston Villa iyada oo uu Sergio Aguero isaga oo noqday xiddiga Ajanabiga ah ee ugu goolasha badan taariikhda kooxda.

Xiddiga reer Argentine ayaa haatanba ah xiddiga ugu goolasha badan taariikhda Man City waxana uu goolkii uu dhaliyay daqiiqadii 28-aad ka caawiyay in uu bar-bareeyo rikoodhkii Thierry Henry oo ahaa in uu dhaliyay goolkiisii 175-aad ee premier Leage.

Aguero oo 31 jir ah ayaa sidoo kale goolashaas ku dhaliyay kulamo ka yar Halyeeyga Arsenal kaas oo ay ku qaadatay in uu ciyaaro 258 kulan si uu u dhaliyo 175.

Xiddiga reer Argentien ayaa sidoo kale dhaliyay goolkiisii 177-aad 255 kulan oo uu ciyaaray isaga oo sidoo kale dhaliyay saddexeldyiisii 12-aad ee horyaalka premier League.

Sidoo kale saddexleyda ayaa Aguero ka dhigtay xiddiga 4-aad ee ugu goolasha badan taariikhda premier League isaga oo la goolal ah Halyeeyga Chelsea ee Frank Lampard kaas oo 177 gool ku dhaliyay 609.

Sii Akhriso: Sababaha Keena In La Dareemo Niyad Jab Kadib Kulanka Sariirta & Qaabka Loo Xalin Karo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*