XOG: Dhacdo Markii Ugu Horaysay Ka Dhacday Wareega 16-ka Champions League

Waxa xalay si Rasmi ah loo soo afjaray wareega 16-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan iyada oo xalay la ciyaaray qayb ka mid ah kulamadii 6-daa ee wareega tartanka.

Waxa iska xaadiriyay wareega xiga 16 kooxood kuwaas oo Isniinta ogaan doona kooxaha ay la ciyaari doonaan kulaamda wareega 16-ka tartanka champions Leageu.

Wargayska Bleacher Report ayaa sheegay in ay tartanka champions League markii ugu horaysay ka dhacday taariikh aa horay uga dhicin wareega 16-ka tartanka champions league.

Dhacdadaas ayaa ah in ay markii ugu horaysay taariikhda champions League ka dhacday in ay isugu soo hadhaan 5 kooxood ee ugu waaweyn qaarada yurub sida England, Spain, Itlay,France iyo Germany.

U Soo bixista kooxaha ka ciyaara 5-ta horyaal ee ugu waaweyn ayaa la macno ah in ayna wareegan iska xaadirin markii ugu horaysay kooxaha kale ee ka ciyaara horyaalada kale ee yurub sida Turkey, Switzerland, Russia iyo wadamada kale ee ka qayb galay tartanka.

Halkan Hoose Sawirka kaga bogo Kooxaha u soo baxay & wadamada ay ka ciyaaraan:

الأندية المشاركة في دور الـ16 بدوري أبطال أوروبا

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*