XOG: Cristiano Ronaldo Oo Kaligiis Ka Goolal Badan 6 Kooxood Oo Yurub Ah Tartanka Champions League, Koox Premier League Ah Ayaa Ku Jirta

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa sanadkan wareega Champions League ka dhaliyay kaliya 2 gool 6-dii kulan ee uu ciyaaray tartanka xilli ciyaareedkan.

Taas ayaa la macno ah in uu Cristiano Ronaldo tartanka champions League guud ahaan ka dhaliyay 128 gool isaga oo ah xiddiga ugu goolasha badan taariikhda tartanka.

Cristiano Ronaldo ayaa kaligiis ka goolal badan 6 kooxood oo ka mid ah kooxo ka soo qayb galay tartanka champions League waliba magac weyn ku leh qaarada yurub iyo horyaaladooda.

Waxa 6-daas kooxood ka mid ah ah 2 kooxood oo aad u sii waaweyn kuwaas oo kala ah Napoli oo ka ciyaarta horyaalka Serie A-da iyo waliba kooxda Tottenham ee premier league.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo 6-da Kooxood Ee Uu Cristaino Ronaldo kaligiis Ka Goolal Badan Yahay Champions League

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*