Halkee Ayuu Takumi Minamino Ka Gali Karaa Shaxda Liverpool Kadib Markii Lagu Dhawaaqay Saxiixiisa?

Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa January iyaga oo ku dhawaaqay saxiixa xiddiga Takumi Minamino.

Takumi Minamino ayaa kooxda Liverpool kaga soo biiray kooxda RB Salzburg isaga oo qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku soo joogi doono Liverpool.

Liverpool ayaa Takumi Minamino ka soo bixisay lacag dhn 7.25 milyan euro taas oo ah lacag aad u jaban marka loo eego tayada xiddiga.

Takumi Minamino ayaa sidoo kale kooxdiisa Liverpool u xidhan doona Lambarka No.18 oo uu baneeyay Alberto Moreno oo ka tagay Liverpool xagaagii.

Kadib markii lagu dhawaaqay saxiixa Takumi Minamino tabaabre Klopp ayaa sheegay in uu Takumi Minamino  Ku soo kordhin doono kooxdiisa waji cusub qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

“Takumi Minamino waa xiddig deg-deg badan, xiddig aad u maskax badan, waxana uu boos ka helaa boosaska dhexdooda, waxa uu geesi ku yahay kubada marka uu haysto iyo marka uuna haysanba, waa xiddig ku fiican kooxda waxana uu u faa,iideeyaa kooxdiisa”.

“Khibradiisa champions League ayaa ah faa,iido weyn waxana aan ognahay in uu ku soo ciyaaray horyaal adag waxana uu leeyahay khibrada saxda ah”.

Hadaba wargayska Express ayaa soo saaray sida laga yaabo in ay noqoto shaxda Liverpool iyo halka uu Minamino  Ka gali karo shaxda Klopp.

Liverpool transfer news Takumi Minamino

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*