RASMI: Chelsea Oo Hehsiis Wakhti Dheer Ah Ka Saxiixatay Fikayo Tomori

Kooxda chelsea ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga daafaca ciyaara kooxdeeda ee Fikayo Tomori kaas oo qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah.

Fikayo Tomori oo xiddig laf dhabar ah ka noqday kooxda chelsea ayaa qalinka ku duugay heshiis uu ilaa 2024 ku sii joogi doono kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Xiddiga 22 jir noqon doona todobaadka dambe oo ka hadlaya dareenkiisa ayaa yidhi”Sida iska cad waa wakhti sharaf ii ah aniga iyo qoyskayga, waxa aan joogay kooxda ilaa markii aan jiray 7 sano sidaas darteed ma aqaano wax aan chelsea ahayn”.

“Kooxdu way ii fiicnayd waxana ay ka shaqaysay horumarkayga waxana ay iga dhigeen cida aan maanta ahay”.

“Waa riyo run ii noqotay in aan heshiis 5 sano ah u saxiixo kooxda kuwaas oo ii muujiyay kalsoono”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*