PSG Oo Badal Neymar Ka Arkootay Liverpool, Mana Ahan Mohamed Salah

Wararka ka imanaya dalka France ayaa sheegaya in ay kooxda PSG badalka Neymar ee dhabta ah ka arkootay kooxda Liverpool kaas oo ah xiddiga Sadio Mane oo ay u arkaan badalka dhabta ah ee Neymar buuxin kara booskiisa hadii uu ka tago kooxda.

Xiddiga reer Brazil ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay in uu isaga tago kooxda PSG gaar ahaan xagaagii oo uu doonayay in uu ku laabto kooxda Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa dhankeeda wax walba u samaysay sidii ay u heli lahayd saxiixa Neymar Laakiin ugu dambayn ku fashilmay in ay kooxda PSG kala heshiiyaan saxiixa xiddiga.

Hadana Kooxda PSG ayaa wali ka wal-walsan in uu Neymar suuqa Janaury ama xagaaga isku dayo in uu mar kale ku qasbo kooxda in la iibiy.

Wargayska France Football ayaa sheegaya in ay kooxda PSG ka fikirayaan u dhaqaaqista saxiixa Sadio Mane si uu u noqdo badalka dhabta ah ee Neymar.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Senegal si weyn u qanciyay maamulka kooxda PSG Iyaga oo u arka xiddig wax weyn ku soo kordhin kara ugana fiicnaan kara Neymar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*