Paris Saint-Germain Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Neymar, Maxaa Soo Kordhay?

Paris Saint-Germain Iyo Neymar ayaa ku heshiiyay in ay wada joogaan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ka hor inta ayna ka fikirin in ay kala tagaan xagaaga dambe.

Xiddiga reer Brazil ayaa doonayay in uu isaga tago kooxda Suuqii xagaaga iyada oo Barcelona si aad ah u doonaysay laakiin xiddiga ayaan ka tagin kooxda sabab la xidhiidha dalabkii Barcelona.

Laakiin xiddiga ayaa wali doonaya in uu isaga tago kooxda waxana ay PSG go’aansatay in ay dhagaysato dalabyada u iman doona xagaaga dambe.

Dalabkii 300 ee Milyan ee ay kooxda PSG doonaysay ayaa haatan hoos u dhacay iyada oo kooxda diyaar u tahay in ay aqbasho lacag dhan 180 Milyan oo euro.

Neymar ayaa haatan u ciyaara kooxda PSG isaga oo kulamadii ugu dambeeyay u ciyaaray kooxda inkasta oo ay wali ku kacsanyihiin taageerayaasha kooxdu

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*