Man United Oo Xasuuqday AZ Alkmaar Una Soo Baxday Wareega 32da Europa League

Manchester United ayaa xaqiijisatay inay ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group L ka dib markii ay 4-0 ku xasuuqday kooxda reer Netherlands ee AZ Alkmaar.

Mason Greenwood ayaa wacdarro u dhigay Man United caawa isagoo dhaliyay labo gool islamarkaana keenay rigoore, iyadoo United ay u soo gudubtay wareega 32da iyagoo leh 13 dhibcood, halka kooxda ay ka badiyeen AZ Alkmaar ay ku soo baxday kaalinta labaad.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa sagaal bedel ku sameeyay shaxdii uu kaga badiyay Manchester City isbuucaan iyadoo Harry Maguire iyo Anthony Martial kaliya ay ceshteen booskooda.

Sergio Romero ayaa goolka ku soo bilowday iyadoo Ashley Young, Tuanzebe iyo Brandon Williams ay daafaca ka soo muuqdeen. Nemanja Matic ayaa labo bilood ka dib ku soo laabtay shaxda United iyadoo ay ka garab ciyaarayeen Garner, Pereira iyo Mata halka Mason Greenwood uu weerarka ka soo muuqday.

Qeybtii hore ee ciyaarta Manchester United waxaa lagu celiyay barbaro goolal la’aan ah, laakiin qeybtii labaad ayay qarka jabsadeen oo goolal ku harqiyeen kooxda reer Holland ee AZ Alkmaar.

Daqiiqadii 53aad ayay United hogaanka u qabatay ciyaarta markii Matic uu kubad u dhigay Mata oo isna u soo karoosay kabtan Ashley Young oo shabaqa dhex dhigay.

Shan daqiiqo ka dib waxaa u labeeyay da’ yarka weerarka ka dheela Mason Greenwood kaasoo darbo fiican dabamariyay goolhaye Bizot.

Daqiiqadii 62aad ciyaarta waxay aheyd 3-0 markii uu Juan Mata gool u sarifay rigoore loo dhigay Man United markii qlaad lagu galay Mason Greenwood.

Labo daqiiqo ka dib waxaa goolkiisii labaad iyo goolkii afaraad ee Man United saxiixay Mason Greenwood ka dib markii uu caawin ka helay.

Kaliya Marcus Rashford oo 13 gool dhaliyay ayaa ka goolal badan Mason Greenwood oo lix gool u dhaliyay Manchester United tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 4-0 oo ay United ku badisay, iyadoo Red Devils ay guulo xiriir ah gaartay isbuucyadii ugu danbeysay taasoo cadaadiska ka dejisay tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*