Man United Oo Loo Sheegay In Ay Paul Pogba Chelsea Kaga Badashaan N’Golo Kante

Kooxda Man United ayaa loo sheegay in ay suuqa January u dhaqaaqaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Kooxda chelsea ee N’Golo Kante waliba Blues siiyaan xiddiga Paul Pogba.

Tababarihii hore ee Premier League ee Ian Holloway ayaa Man United u sheegay in ay wax walba u samayso soo xero galinta N’Golo Kante iyaga oo adeegsanaya xiddiga Paul Pogba kaas oo baxsad ah ka ah kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Ian Holloway ayaa rumaysan in ay adkaan doonto in ay chelsea N’Golo Kante ka iibiso kooxda Man United laakiin ay tahay in uu Ole Gunnar Solskjaer isku dayo helitaanka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer France.

“Hadii aan Ahaan Lahaa Solskjaer waxa aan u dhaqaaqi lahaa Kante”ayuu Ian Holloway u sheegay Express Sport.

“Waxa aan hubaa in ayna chelsea ka iibin doonin laakiin waa in ay isku dayaan”.

“Waxa intaas sii dheer in ay Chelsea u soo bandhigaan saxiixa Paul Pogba si ay u helaan N’Golo Kante”ayuu sii raaciyay.

“Hadii ay la soo saxiixdaan Kante waxa uu ka caawin doonaa in ay maamulaan khadka dhexe”ayuu yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*