Liverpool Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Haatanba Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Suuqa January & Faah-Faahinta Heshiiska

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda RB Salzburg ee Takumi Minamino kaas oo noqon doona saxiixa ugu horeeya ee Liverpool ee Suuqa January.

Liverpool ayaa la sheegayaa in ay xalay wadahadalo hordhac ah la qaadatay kooxda Red Bull Salzburg iyaga oo haatanba la meel dhigay heshiis hordhac ah si ay u dhamaystiraan saxiixa xiddiga.

Wargayska The Times ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Liverpool heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga iyaga oo ka saxiixan doona heshiis 5 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono.

Kooxda Liverpool ayaa ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 7.75 milyan euro taas oo ah lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga.

Isla wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga Japan si Rasmi ah ugu soo biiri doono kooxda Liverpool maalmaha soo socda kadib marka wax walba laga heshiiyo saacadaha soo socda.

wararka qaar ayaa sheegaya in isla caawa lagu dhawaaqi karo saxiixa xiddiga inkasta oo aan wali la hubin warkaas.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Gacalisadaadu Kula Joogto Waligeed? Waa Kuwan Waxyaabo Ka Caawinaya In Aad Is Jeclaysiiso Gacalisadaada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*