Jamie Carragher: Xiddigaha Man United ee Rashford, Martial & James Way U Fiicnaan Karaan Sida Xiddigaha Liverpool Ee Salah, Mane & Firmino Laakiin Hal Dhib Ayaa Haysata

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa sheegay in xiddigaha garabka uga ciyaara kooxda Man United ee Rashford, Daniel James iyo Martila u fiicnaan karaan sida xiddigaha Salah, Mane iyo Firmino.

Laakiin Halyeeyga Reds syaa sheegay in dhibaatada kaliya ee haysata xiddigaha Man United ay tahay in ayna si joogto ah u soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.

Carragher oo la hadlaya shaqada Sky Sport ka hor kulankii Arsenal ayaa ka hadlay guushii ay man United ka gaadhay kooxda Man City Sabtidii.

“Marka aad eegto 3-da xiddig ee weerarka uga ciyaara Man United gaar ahaan marka ay kubada haystaan waxa ay u fiicnaan karaan sida xiddiga weerarka uga ciyaara Liverpool oo kale”ayuu yidhi.

“Laakiin halka dhibaato ee haysta ayaa ah in ayna si joogto ah qaab ciyaareed fiican u soo bandhigin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*