Arsenal Oo Bar-Baro Ku Soo Xidhatay Wareega Group-yada Europa League, Kaalintee Ayay Ku Soo Bexeen?

Kooxda Arsenal ayaa ka badbaaday guuldaro ceeb ka soo gaadho kulankii ay la ciyaartay kooxda Standard Liege kulan ka tirsanaa tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.

Kulanka ayuu tababare Freddie Ljungberg ku soo galay shax ay xiddigo da,yar ah badan yihiin isaga oo nasiyay xiddigaha kooxda 1-aad.

Kulanka ayaa ahaa mid adag iyada oo ayna labada kooxood qaybtii hore soo bandhigin qaab ciyaareed fiican oo loo bogi karo.

Laakiin qaybtii dambe ayay wax weyn iska badaleen ciyaarta iyaga oo la iska dhaliyay 4 gool oo dhan waliba labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Daqiiqadii 47-aad ayaa Ayaa Arsenal looga naxsaday goolka iyaga oo ay kooxda Standard Liege dhalisay goolka furitaanka iyaga oo uu u u dhaliyay xiddiga Samuel Bastien.

Arsenal ayaa raadinaysay goolal iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn si ay u dhaliyaan goolka bar-baraha ciyaarta.

Daqiiqadii 69-aad ayay Standard Liege Mar kale kaga naxsatay Arsenal gool kale iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Selim Amallah kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Laakin Arsenal ayaan ka niyad jabin ku soo laabashada ciyaarta iyaga oo sii waday dadaalka ay ku doonayeen goolasha ay ugu soo laaban karaan ciyaarta.

Daqiiqadii 78-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alexandre Lacazette kaas Arsenal dib ugu soo celiyay Nolosha.

Isla daqiiqadii 81-aad ayay Arsenal mar kale dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay da,yarka Bukayo Saka kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Arsenal ayaa bilowday goolka guusha laakiin wakhtiga ayaa u suurtagalin waayay waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal kaalinta 2-aad kaga soo baxday Group-keed kadib markii laga badiyay kooxda Eintracht Frankfurt.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*