Yurub Vs Africa: Xiddig Ka Ciyaara Premier league Oo Hal Mar Looga Wada Yeedhay Laba Xul

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Wolves ee Adama Traore ayaa dhexda uga jira dagaal ka dhexeeya xulalka qaranka Spain iyo Mali.

Xiddiga ayaa markii ugu horaysay looga yeedhay xulka 1-aad ee Spain laakiin xiddiga ayaan wali go,aansan meesha uu mustaqbalkiisu yaalo.

23 jirkan ayaa ku dhashay dalka Spain laakiin waalidkiisa ayaa ka yimid Dalka Mali iyaga oo u tahriibay dalka Spain.

Waxa bilowgii todobaadkan la sheegayay in uu xiddigu go,aansaday in uu ku biiro xulka Spain kadib markii uu 18 kulan u saftay da,yarka xulka qaranka Spain.

Adama Traore ayaa sidoo kale dhankiisa xaqiijiyay in uu xidhiidh la lahaa xulka Mali laakiin uuna wali go,aansan xulka uu sida Rasmiga ah u matali doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*