XOG: Walker Oo Goolka Kaga Fiican Alisson, Benzema Oo Bar-Bareeyay Messi, Da,yarka Rodrygo Oo Taariikh Sameeyay & Xaqiiqooyinkii Lag Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee Xalay

Waxa la ciyaaray kulamo xiiso leh oo champions League ah xalay iyada oo ay dhexeceen waxyaabo badan hadii ay tahay gool dhalal la dhaliyay casaan la bixiyay, rikoodhayaal la khasaariyay iyo rikoodhayaal badan oo la dhigay.

Waxa la soo afjaray todobaadkii 4-aad ee wareega Group-yada champions League kaas oo sanadkan xiiso gaar ah leh iyada oo aan ilaa haatan la ogayn koox ugu cad-cad ku guulaysiga koobka.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xogtii laga diwaan galiyay kulankii Xalay:

1.Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddiga 2-aad ee ugu safashada badan taariikhda champions League isaga oo kaliya ka dambeeya Halyeeyga Real Madrid ee Iker Casillas.

1⃣8⃣8⃣ Iker Casillas
1⃣7⃣4⃣ Cristiano Ronaldo
1⃣7⃣4⃣ Paolo Maldini
1⃣7⃣3⃣ Xavi Hernández

2.Karim Benzema ayaa noqday xiddiga 4-aad ee ugu goolasha badan taariikhda champions League kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 50-aad ee tartanka.

3.Xiddiga Karim Benzema ayaa noqday xiddiga 2-aad ee taariikhda champions League gool dhaliya 15 xilli ciyaareed oo xidhiidh ah isaga oo bar-bareeyay Lionel Messi.

4.Da,yarka Real Madrid ee Rodrygo Goes ayaa noqday xiddigii Abid ugu yaraa ee saddexley ka dhaliya tartanka champions League.

18-301 Rodrygo Goes

20-306 Kylian Mbappé

22-312 Michael Owen

22-354 Karim Benzema

24-060 Harry Kane

24-237 Samuel Eto’o

5.Kyle Walker ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Goolka Galay waliba badbaadiyay fursad champions League tan ilaa Ben Hamer kaas oo sidaas sameeyay 2016.

6.Kyle Walker ayaa shabaqiisa ilaashada in ka badan Goolhayayaasha hoos ku xusaan:

Bravo: 0

Adrián: 0

Alisson: 0

Hugo Lloris: 0

Kyle Walker: 1

6.Claudio Bravo ayaa noqday Goolhayihii ugu horeeyay ee ciyaarta kaadh cas looga saaro isaga oo badan ku soo galay taariikhda champions League.

7.Aaron Ramsey ayaa dhaliyay goolkii 300-aad ee ay kooxda Juventus ka dhalisay tartanka champions League waxana kaliya ka horeeya kooxaha Real Madrid, Barcelona, Bayern Munich & Manchester United.

8.Aaron Ramsey ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee British ah ee gool u dhaliya kooxda Juventus tartamada yurub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*