Xiddigaha Ugu Goolasha Badan Champions League Sanadka 2019 Oo La Soo Saaray & Ronaldo Iyo Messi Oo Aan Ku Jirin Kaalinta Ugu Horaysa

Sanadka 2019 ayaa ah mid sii dhamaanaya iyada oo ay haatan inaga xigto bishan haatan lagu jiro iyo hal bil oo kale iyada oo kadib la gali doono sanadka cusub ee 2020.

Xiddigaha Kubada cagta ayaan kaliya ku tartamin goolasha xilli ciyaareedka laakiin sidoo kale ku tartama goolasha ay dhaliyaan sanadka dhamayska tiran.

Tartanka champions League ayaa ah mid sanad walba la qabto isaga oo sanad walba bilo laga ciyaaro waxana lagu jiraa dhamaadkii uu tartanku sanadka 2019 ka galay.

Xiddiga kooxda Tottenham ee Heung Min son ayaa si lama filaan ah u noqday xiddiga ugu goolasha badan sanadka 2019 ee tartanka champions League.

Xiddiga ayaa ilaa haatan sanadka 2019 champions League ka dhaliyay 9 gool isaga oo ka horeeya xiddigaha taariikhda ku leh tartanka ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Waxa Heung Min son la dhibco ah xiddiga kooxda Man City ee Raheem Sterling kaas oo isna dhaliyay 9 gool tartanka champions League ilaa haatan sanadka 2019.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda RB Salzburg ahna da,yarka wacdaraha dhigaya xilli ciyaareedkan ee Erling Haaland isaga oo dhaliyay 7 gool lana goolal ah xiddiga 5 jeer ugu fiican adduunka ee Lionel Messi.

Waxa min 6 gool leh xiddigaha Sergio Aguero, Robert Lewandowski Iyo Cristiano Ronaldo kuwaas oo dhaliyay min 6 gool tartanka champions League sanadkan aan ku jirno ee 2019.

Heung Min son (Tottenham) 9 Gool

Raheem Sterling (Man City) 9

Erling Haaland (RB Salzburg) 7

Lionel Messi (Barcelona) 7

Sergio Aguero (Man City) 6

Robert Lewandowski (Bayern Munich) 6

Cristiano Ronaldo (Juventus) 6

3 Comments

  1. Erling Haaland
    RB Salzburg
    39 mins per goal

    271 mins played
    7Goals scored

    0 Assists
    Robert Lewandowski
    Bayern Munich
    60 mins per goal

    360 mins played
    6 Goals scored

    0 Assists
    Raheem Sterling
    Man City
    61 mins per goal

    304 mins played
    5 Goals scored

    2 Assists
    Son Heung-Min
    Tottenham
    50 mins per goal

    250 mins played
    5 Goals scored

    0 Assists
    Serge Gnabry
    Bayern Munich
    73 mins per goal

    292 mins played
    4 Goals scored

    1 Assists
    Mislav Orsic
    Dinamo Zagreb
    76 mins per goal

    304 mins played
    4 Goals scored

    1 Assists
    Mauro Icardi
    PSG
    65 mins per goal

    258 mins played
    4 Goals scored

    0 Assists
    Memphis Depay
    Lyon
    76 mins per goal

    304 mins played
    4 Goals scored

    0 Assists
    Achraf Hakimi
    B Dortmund
    90 mins per goal

    359 mins played
    4 Goals scored

    0 Assists
    Harry Kane
    Tottenham
    90 mins per goal

    360 mins played
    4 Goals scored

    0 Assists
    Mohamed Salah
    Liverpool
    120 mins per goal

    359 mins played
    3 Goals scored

    2 Assists
    Kylian Mbappé
    PSG
    50 mins per goal

    150 mins played
    3 Goals scored

    1 Assists
    Rodrygo
    Real Madrid
    57 mins per goal

    172 mins played
    3 Goals scored

    1 Assists
    Dries Mertens

  2. War Beenta dhaafa heung-min son Gormeh uu dhamiyay 9 goal benta dhafa—-
    Raheem sterling asaga neh gormeh ayuu dhalay 9 wax a aad rabtaan miyaa

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*