Xhaka, Aubameyang, Mbappe, Valverde, James & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Suuqa kala iibsiga ayaan haatan furnayn iyada oo ayna kooxduhu la soo saxiixan karin wax xiddigo ah oo heshiisyo ku jira.

Laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna jiri doonin waxa kooxaha reer yurub la xidhiidhinaya xiddigaha kala duwan.

Kooxaha ayaa isku diyaarinaya suuqa Janaury ee sanadka cusub oo ay inaga xigaan bilo iayab oo wakhtigaas la saxiixan kara xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalin leh ah idiinku soo gudbin doonta wararka ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee ay qoraan wargaysayda.

Kooxda Juventus ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Juventus ee James Rodriguez (El Desmarque).

Kooxda Barcelona ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaarta kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo ay u doonayso badalka Luis Suarez (El Chiringuito TV).

Kooxda Man United ayaa kalsooni ku qabta in ay ku guulaysan doonto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Kai Havertz (Daily Star).

Xiddigii hore ee xulka qaranka Argentine ee Claudio Borghi ayaa sheegay in tababaraha River Plate ee Marcelo Gallardo shaqada Barcelona ka badali doono Ernesto Valverde bisha December (Marca).

Kooxda Real Madrid ayaa Man United iyo Juventus kula biirtay tartanka saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Erling Haaland marka la gaadho suuqa Xagaaga (Tuttosport).

Laakiin Aabaha dhalay xiddiga Erling Haaland ayaa sheegay in uu wiilkiisu doonayo in uu ku biiro horyaalka Premier League (talkSPORT).

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay in uu Kylian Mbappe ku riyoonayo in uu ku biiro Kooxda Real Madrid (Sports Mole).

Kooxda Real Madrid ayaa wadahadalo la qaadatay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Napoli ee Fabian Ruiz (Don Balon).

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso dalab 215 milayna oo euro si ay hesho saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe Xagaaga dambe (El Desmarque).

Kooxaha Liverpool & Tottenham ayaa doonaya in ay Premier League dib ugu soo celiyaan xiddiga Memphis Depay kaas oo u soo ciyaaray Man United (Calciomercato).

Tababare Antonio Conte ayaa doonaya in uu helo saxiixa xiddigaha Nemanja Matic & Matteo Darmian (Corriere dello Sport).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Granit Xhaka ayaa xiiso dhab ah ka helay kooxda Ac Milan kuwaas oo doonaya adeegiisa suuqa January (Calciomercato).

Kooxda chelsea ayaa ogolaatay in ay suuqa January dhagaysato dalabyada u imanaya xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdeeda ee Olivier Giroud (Telegraph).

Kooxda Fenerbahce ayaa doonaysa saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Pedro marka la gaadho suuqa January (Takvim).

Xiddiga khadka dhex ee kooxda Man United ee Nemanja Matic ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda Inter Milan suuqa January (Manchester Evening News).

Chelsea ayaan wax saxiix ah samayn doonin suuqa January xitaa hadii laga qaado ganaaxa suuqa ka saaran (Talksport).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*