XASAASI: Xidhiidhka Juventus & Cristiano Ronaldo Oo Maraya Meel Xiisad Leh & Xiddiga Oo Isaga Tagay Ciyaartii Ac Milan Oo Socotay, Maxaa Sabab.

Xiddiga Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ka tagay ciyaartii ay kooxdiisa Juventus la ciyaaraysay ka hor intii ayna ciyaartu dhamaan kadib markii uu si xun uga xanaaqay badalkii lagu sameeyay.

Ac Milan ayaa ka qaab ciyaareed fiicnayd kooxda Juventus iyaga oo sameeyay fursadaha ugu fiican ciyaarta laakiin Markii uu Paulo Dybala badalay Ronaldo daqiiqadii 55-aad waxa ay u samaysay farqi maadama uu Dyabala kooxda u dhaliyay goolka guusha.

Ronaldo ayaa u muuqday mid si weyn uga xanaaqay badalkas waxana uu si toos ah uga baxay ciyaarta isaga oo si toos ah u aaday qolka Labiska.

Sky Sport ayaa sheegaysa in uu xiddiga CR7 gabi ahaan si toos ah isaga tagay garoonka ka hor ciyaarta oo aan dhamaan gaar ahaan 3 daqiiqo ka hor intii ayna ciyaartu dhamaan.

Ronaldo ayaa sidoo kale badal lagu sameeyay kulankii Lokomotiv Moscow taas oo keentay sidoo kale in uu si weyn uga xanaaqo badalka.

1 Comment

  1. Ronaldo uma qalmo joventus waayo ma aha naadi khibrad leh hadana tababaruhu ma aha mid wanasgsan oo oday cayraan ah oo an garayn sida laacibiinta wa wayn lola dhaqmo waxan oga isga oo chilsea ka reebay horyaalka isgoo haysta la cibiin heer sare ah marka juve wa inu isaga taga ronaaldo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*