XASAASI: Xiddig Muhiim U Ah Liverpool Oo Seegay Tababarka Liveprool Ka Hor Kulanka Man City, Miyuu Seegayaa Kulanka Axada?.

Kooxda Liverpool ayaa bilowday tababarka ay isugu diyaarinayso kulanka adag ee ay Axada la ciyaari doonto kooxda Man City kulan ka tirsan todobaadkii 12-aad ee horyaalka premier League.

Ka hor kulanka waxa maanta laga dhex waayay tababarka xiddiga muhiimka u ah kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk kaas oo seegay tababarka kooxdiisa ka hor kulanka City.

Shabakada Indykaila ayaa sheegaysa in uu Kabtanka Jordan Henderson ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda laakiin uu maanta ka maqnaa tababarka daafaca Virgil van Dijk.

Warkan ayaa wal-wal ku ah kooxda liverpool marka loo eego in uu Virgil van Dijk yahay xiddiga ugu muhiimsan kooxda dhanka daafaca iyo waliba in uu kooxda ka maqan yahay daafaca kale ee Joel Matip.

Shabakada ayaan sheegin sababta uu Virgil van Dijk kaga maqnaa tababarka kooxdiisa laakiin waxa ay wal-wal arintaas ku tahay kooxda uu hogaamiyo Jurgen Klopp.

Si kasta ha ahaatee isla shabakada ayaa intaas raacinaysa in uuna maqnaashaha Virgil van Dijk ee tababarku la macno ahayn in uu seegi doono kulanka Man City maadama ay 2 maalmood kale ka hadhsantahay kulanka tababarkana xiddigu ku soo laaban karo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*