XASAASI: Da,yarka Wacdaraha Dhigaya Ee Erling Haaland Oo Booqday Garoonka Tababarka Koox Weyn Oo Premier League Ah Mana Ahan Man United

Xiddiga weearka uga ciyaara kooxda Red Bull Salzburg Wacdarahana ka dhigaya yurub ee Erling Haaland ayaa lagu soo waramayaa in uu booqday garoonka tababarka kooxda Arsenal xilli ay Gunners ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa da,yarka.

Man United ayaa si weyn ugu cad-cad saxiixa xiddiga 19 jirka ah kaas oo dhaliyay 26 gool 18 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Aabaha dhalay Erling Haaland ayaa lagu soo waramayaa in uu todobaadkii hore booqday garoonka tababarka kooxda Man United.

Si kasta ha ahaatee wargayska Bild ayaa sheegaya in uu xiddiga laftiisu booqday garoonka tababarka kooxda Arsenal xilli ay kooxda uu hogaamiyo Unai Emery ku biirtay tartanka.

Erling Haaland ayaa dhaliyay champions League 7 gool xilli ciyaareedkan halka uu 27 gool dhaliyay 23 kulan tan ilaa bilowgii sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*