Willian Oo Qirtay In Uu Ku Dhawaaday In Uu Ka Tago Chelsea Suuqii Xagaaga & Kooxdii Uu Dalabka Ka Helay Oo Uu Kashifay

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Willian ayaa shaaca ka qaaday in ay kooxda Barcelona isku dayday in ay hesho saxiixiisa intii lagu jiray suuqii xagaaga.

Sanadihii ugu dambeeyay ee la soo dhaafay kooxda Barcelona ayaa lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga reer Brazil kaas oo la sheegayay in uu xiiso u qabo in uu ku biiro Camp Nou.

Xagaagii ayaa la sheegayay in ay kooxda Barcelona dhawr dalab ka gudbisay xiddiga laakiin ay Chelsea dhamaantood wada diiday.

Willian ayaa wax laga waydiiyay xiisihii Barcelona ee wakhtiga dheer ahaa isaga oo kashifay in ay Barcelona si dhab ah u doonaysay saxiixiisa kadib koobkii adduunka.

“Dabkii kaliya eee Dhabta ahaa ayaa ahaa midkii iiga yimid Barcelona sanadkii hore kadib koobkii adduunka, Waxa xaqiiqo ah in ay Barcelona dalab iga soo gudbisay laakiin chelsea ayaa diiday”.

Xiddiga reer Brazil ayaa haatan muhiim ka ah kooxda chelsea oo xiddigo da,yar ah u ciyaaraan isaga oo khibradiisa ku caawiya xiddigaha da,yarka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*