WARBIXIN: Qiimaynta Ilaa Haatan 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Yurub, Dhibcaha La Kala Sareeyo & Kooxaha Hogaanka U Haya Horyaalkooda

Horyaalada ugu waaweyn yurub ee 5-ta ah ayaa maraya meel xiiso iyo xamaasad leh iyada oo la galay 2-dii todobaad ee fasaxa xulalka lagana maqnaan doono horyaalka muddo 2 todobaad ah ka hor inta aan dib loo galin wakhti kale oo xasaasi u ah kooxaha reer yurub.

5-ta horyaal ee ugu waaweyn ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo ay tartanka isku baacsanayaan kooxaha ka qayb gala tartankooda

Horyaalka France ayay kooxda PSG 8 dhincood ka horaysaa kooxda ku xigta ee Marseille halka kooxda Liverpool ay 8 dhibcood kooxaha kaalinta 2-aad ku wada jira ee Leicester City iyo Chelsea.

Labadaas horyaal ayaa ah kaliya labada horyaal ee dhibco badan lagu hogaaminayo marka loo bar-bar dhigo 3-da horyaal ee kale ee La Liga, Serie A-da iyo Bundesliga.

Horyaalka La Liga ayay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid oo ku wada jira kaalinta 1-aad iskuna dhibco ah 6 dhibcood oo kaliya ka sareeyaan kooxda ku jirta kaalinta 10-aad ku jirta ee Osasuna taas oo muujinaysa sida uu u adagyahay horyaalku xilli ciyaareedkan marka loo bar-baro dhigo sanadihii hore.

Horyaalka Serie A-da oo ay kooxda Juventus hogaanka u hayso ayay kaliya dhankeeda 10 dhibcood ka saraysaa kooxda kaalinta 6-aad ku jirta ee Roma kaas oo laftiisu ah mid ka xiiso iyo xamaasad badan sanadihii hore.

Horyaalka Bundesliga ayay si lama filaan ah hogaanka ugu haysaa kooxda Borussia Mönchengladbach kuwaas oo ka yaabsaday adduunka waliba wacdaro ka dhigaya tartanka xilli ciyaareedkan.

Laakiin Horyaalka ayaa ah mid aad la isugu dhaw yahay iyada oo kaliya 6 dhibcood kala sareeyaan 7-da kooxood ee ugu sareeya horyaalka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*