Warar kale Oo Ka Soo Cusboonaaday Wakhtiga La Ciyaari Doono Kulanka El Clasico, Maxaa Soo Kordhay?

Waxa ay warar cusub ka soo kordheen kulanka El Clasico ee ay wada ciyaari doonaan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid bisha December ee soo socota.

Kulanka oo la ciyaari lahaa bishii la soo dhaafay ayaa dib loo dhigay sabab la xidhiidha dhibaatooyin ka socda Catalonia oo uu kulanka kaga dhici lahaa garoonka Camp Nou.

Waxa wali socda wadahadalo lagu go,aamin doono wakhtiga la ciyaari doono kulanka El Clasico waxana uu madaxweynaha La Liga ee ee Javier Tebas sheegay halka ay marayaan xaalku.

“Wali wada socda wadahalada lagu go,aamin doono wakhiga la ciyaari doono kulanka, wali waxa aan doonaynaa sidii loo kala duwi lahaa kulamada Copa Del Rey-ga iyo kulanka El Clasico oo wada dhici doona 18 bisha December”.

Dhanka kale Idaacada Partidazo de Cope ayaa sheegay in kulanka El Clasico la ciyaari doono 3 ilaa 6 galabnimo ee wakhtiga geeska Africa maalinta Arbacada kuna beegan 18 bisha December.

Sidaas darteed kulanka El Clasico ayaan la wakhti noqon doonin kulamada Copa Del Rey-ga kuwaas oo la ciyaari doono 11:00 Habeenimo wakhtiga geeska Africa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*