War Cusub Oo Ka Soo Baxay Xaalada Goolhayaha Man City Ee Ederson, Miyuu Taam U Yahay Kulanka Chelsea?

Goolhayaha kooxda Man City ee Ederson aya ku soo laabtay tababarka kooxdiisa ka hor kulanka Ay marti galin doonto Chelsea sabtida dambe isaga oo ka soo kabsaday dhaawac.

Dhaawaca oo ka soo gaadhay muruqa kulankii Atalanta ee champions League ayaa keentay in uu seego kulankii ay Man City guuldarada 3/1 ah kala kulantay kooxda Liverpool.

Si kasta ha ahaatee Goolhayaha ayaa ka soo muuqday tababarka kooxdiisa maanta waxana la filayaa in uu ku bilowdo goolka kulanka ay Man City marti galin doonto Chelsea.

Ederson ayaa ka mid ah Goolhayayaasha ugu fiican kubada cagta wakhti xaadirkan waxana ay Niyad dhis fiican u noqon doontaa Guardiola iyo kooxdiisa kuwaas oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha.

City ayaa sidoo kale kulanka u soo galaysa in ay ka baxdo kaalinta 4-aad ee ay haatan kaga jirto kala saraynta horyaalka premier League

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*