Waa Maxay Cabsida Ay Man City Qabto Ka Hor Kulanka Ay Anfield Kula Ciyaarayso Liverpool?

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay booqato garoonka Anfield iyada oo Liverpool kula ciyaari doonta kulan adag oo si weyn loo sugayo kana tirsan todobaadkii 12-aad ee tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man City ayaa la sheegayaa in ay ka cabsi qabto in uu xiddigaha kooxda iyo baska ay saaran yihiin ku dhoco weerar cusub oo uga imanaya taageerayaasha Kooxda Reds ka hor inta ayna xiddiguhu galin garoonka.

Taageerayaasha Liverpool ayaa horay weerar ugu qaaday baska xiddigaha Man City kulankii 4 Dhamaadka ahaa ee champions League kulankaas oo ay Taageerayaasha Liverpool baqdin ku abuureen xiddigaha Man City.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay maamulka Man City si weyn uga cabsi qabaan in ay dhacdo arintaas oo kale ka hor kulanka Axada waxana ay Madax Man City ka socota waydiisteen dhigooda Liverpool in ayna arintaas oo kale dhigin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*