Sidee Ayay Xiddigaha Real Madrid Uga Fal Celiyeen Ku Biirista Jose Mourinho Ee Tottenham?

Xiddigaha Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay si weyn u farxeen markii ay maqleen in uu Jose Mourinho noqday tababaraha cusub ee kooxda Tottenham.

Mourinho ayaa shaqada ka badalay Mauricio Pochettino kaas oo shaqada laga caydhiyay isaga oo ku soo laabtay Premier League 11 bilood kadib markii uu ka maqnaa shaqada tababarnimo.

Waxa si weyn loo hadal hayay in uu Jose Mourinho ku laaban doono kooxda Real madrid si uu shaqada uga badalo tababaraha cadaadisku saaran yahay ee Zinedine Zidane.

Laakiin wargaska Sport ayaa sheegaya in xiddigaha kooxda Real Madrid oo uu ugu horeeyo Kabtan Sergio Ramos si weyn ugu farxeen ku biiristii Jose Mourinho ee Tottenham maadama uuna ku soo biiri doonin kooxdooda.

Tababaraha reer Portugal ayaa soo maamulay Real Madrid intii u dhexaysay 2010 ilaa 2013 isaga oo kooxda kula guulaystay horyaalka La Liga iyo Copa del Rey.

Laakiin waxa uu tababarihii hore ee kooxaha chelsea iyo Man United xidhiidh xun la lahaa xiddigaha ay ugu horeeyaan Ramos iyo Iker Casillas.

Sidaas darteed xiddigaha Los Blancos ayaa farxad kaga fal celiyay kadib markii uu Mourinho tababare u noqday kooxda Tottenham.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*