Sababtii Uu Virgil Van Dijk Ku Seegay Tababarka Liverpool Oo La Ogaaday

Xiddiga kooxda Liverpool uga ciyaara daafaca ee Virgil Van Dijk ayaa seegay tababarkii kooxdiisa ee shalay ee ay Reds isugu diyaarinaysay kulanka adag ee ay Axada la ciyaari doonaan Man City.

Kadib markii ay qaateen hal maalin oo fasax ah kadib kulankii salaasadii ee Champions League xiddigaha Liverpool ayaa dib u bilaabay isku diyaarinta kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan kooxda Man City.

Laakiin Xiddiga reer Holland ayaa seegay tababarkii khamiistii ee kooxdiisa Liverpool taas oo wal-wal ku keentay taageerayaasha Liverpool kuwaas oo ka cabsi qabay in uu seegi doono kulanka Man City.

Laakiin wararka ka imanaya dalka Holland ayaa sheegaya in uuna Virgil Van Dijk wax dhibaato ah qabin laakiin uu Tababarkii khamiistii ku seegay arimo shaqsi ah.

Van Dijk ayaa lagu marti qaaday Aqalka Boqorka iyo boqorada dalka Holland halkaas oo uu kula qaatay wakhti taas oo keentay in uu seego tababarka kooxdiisa Liverpool.

Isla wararka ayaa sheegaya in uu daafaca reer Holland si buuxda u bilaaban doono tababarka kooxdiisa maanta oo jimce ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*