RASMI: Zidane Oo Soo Saaray 19-ka Xiddig Ee Uu Kaga Hor Tagi Doono Eibar.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono Eibar kana tirsan todobaadkii 13-aad ee horyaalka La Liga.

Waxa Liiska ka maqan xiddigaha Gareth Bale, James Rodriguez & Marcelo kuwaas oo dhaawac uga maqan kooxda Tababare Zinedine Zidane uu hogaamiyo.

Sidoo kale tababarha ayaa go,aankiisa ku reebay xiddigaha Odriozola & Mariano Diaz kuwaas oo uu kaga tagay Madrid.

Xiddiga Vinicius Junior ayaa dib ugu soo laabtay Liiska si la mid ah xiddiga Brahim Diaz kaas oo seegay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Xiddigaha Dani Carvajal iyo Ferland Mendy ayaa ah xiddigaha garbaha ee kaliya ee ku soo baxay Liiska uu tababaruhu soo xushay:

Halkan hoose kaga bogo Liiska uu Zidane u soo xushay kulanka Eibar:

Goalkeepers: Courtois, Areola, Altube.

Defenders: Carvajal, Militao, Ramos, Varane, Mendy.

Midfielders: Kroos, Modric, Casemiro, Valverde, Isco.

Forwards: Hazard, Benzema, Lucas Vázquez, Brahim, Vinicius, Rodrygo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*