RASMI: Xiddiga & Tababaraha Ku Guulaystay Abaalmarinaha Bishii October Oo La Soo Saaray

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa markii ugu horaysay ku guulaystay abaalmarinta tababaraha ugu fiican bishii October.

Tababare Lampard ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay 3 guul oo cajiib ah itaga oo garaacay kooxaha Newcastle, Southampton iyo Burnley bishana ku dhamaystay guuldaro la,aan.

Tababare Lampard ayaa abaalmarinta ku garaacay tababarayaal kale kuwaas oo laftoodu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah guulana la gaadhay kooxohooda.

Lampard ayaa abaalmarinta ka qaaday tabaabrayaasha Jurgen Klopp, Graham Potter, Brendan Rodgers & Dean Smith.

Dhanka kale xiddiga Leicester City ee Jamie Vardy ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican bisha kadib markii uu hogaanka u qabtay gool dhalinta premier League.

Vardy ayaa 3 gool dhaliyay kulankii Southampton isaga oo abaalmarinta ku guulaystay markii 4-aad ee taariikhdiisa kana qaaday abaalmarinta xiddigaha Jack Grealish, Ilkay Gundogan, Dean Henderson, team-mate Youri Tielemans & Willian.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*