RASMI: UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Champions League Todobaadkan

UEFA ayaa soo saartay shaxda ugu fiican champions league todobaadkan kadib markii xalay iyo habeen hore la ciyaaray kulamadii 4-aad ee wareega Group-yada tartanka.

Salaasadii iyo Arbacadii ayaa la ciyaaray kulamo xiiso iyo xamaasad leh kuwaas oo ay xiddigo badan qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigeen.

UEFA ayaa haatan soo saartay shaxda ay ka samaysay 11-ka xiddig ee ugu fiican todobaadkan tartanka champions League iyaga oo soo xushay xiddigihii qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay.

Kooxda Real Madrid ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh 3-dii xiddig ee kala dhaliyay 6-dii gool ee ay kooxda Real Madrid ku badisay.

Kooxda Ajax ayaa iyaguna 2 xiddig ku leh shaxda halka kooxaha Slavia Prague, Borussia Dortmund, Chelsea, Tottenham, PSG & Lyon ku leeyihiin min hal xiddig.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*