RASMI: Scott McTominay Oo La Xaqiijiyay Laba Kulan Oo Waaweyn Oo Uu Ka Maqnaan Doono Man United Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Scott McTominay ayaa lagu soo waramayaa in uu seegi doono kulamada muhiimka ah ee Tottenham iyo Man City ee horyaalka premier League ee bisha dambe kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay Kuraanta kulankii Brigton ee premier League.

Xiddiga reer Scotland ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib isaga oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Man United xilli ciyaareedkan isaga oo ciyaaray kulan kasta oo premier League ah xilli ciyaareedkan.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ayaa xiddiga laga dhex qaaday kulankii Brighton ee horyaalka premier League kadib markii uu dhaawac soo gaadhay isaga oo ciyaarta ka baxay kadib markii uu dhamaysan waayay ciyaarta.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in baadhitaanka lagu helay in uu xiddiga reer Scotland ka dhaawacmay kuraanta taas oo la macno ah in uu garoomada ka maqnaan doono muddo 4 todobaad ah.

Hadii uu xiddigu maqnaado mudada la sheegay waxa uu xiddigu seegi doonaa kulamo muhiim ah sida Tottenham iyo Man City kuwaas oo ka dhici doona bisha dambe ee December.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*