PSG Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Xiddig U Ciyaara Liverpool Si Ay Ugu Badasho Edison Cavani

Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay si lama filaan ah u doonayso saxiixa xiddiga u ciyaara kooxda Liverpool ee Adam Lallana kaas oo ay doonayso in ay hesho heshiiskiisa marka uu dhoco midka uu kula jiro Liverpool Xagaaga dambe.

Heshiiska Lallana ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo aan heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda ku guulaystay koobka champions league.

Wargayska Mirror ayaa haatan sheegaya in ay kooxda PSG Adam Lallana ku darsatay Liiska xiddigaha ay doonayso xagaaga dambe si ay ugu xoojiso kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ayna PSG kali ku ahayn baacsiga Lallana laakiin tartan adag kala kulmi doonto kooxaha America iyo waliba shiinaha.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa kooxda Liverpool kaliya u ciyaaray 113 daqiiqo horyaalka premier League isaga oo goolka bar-baraha u dhaliyay kulankii Man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*