Pep Guardiola Oo Loo Sheegay Halka Wado Ee Uu Axada Ku Garaaci Karo Liverpool

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa loo sheegay waxa uu sameeyo hadii uu doonayo in uu garaaco Liverpool Axada kulanka ay isaga hor iman doonaan premier League.

Khabiirka Ian Darke ayaa Pep Guardiola u sheegay in uu u ciyaaro qaab ka duwan sidii uu kaga hor tagay  Liverpool xilli ciyaareedkii hore kulankii ka dhacay Anfield ee uu bar-baraha kula galay.

Liverpool ayaa Axada soo dhawayn doonta Man City kulan si weyn loo sugayo oo xiiso iyo xamaasad gaar ah leh.

Reds ayaa haatan 6 dhibcood ka horaysa kooxda difaacanaysa horyaalka premier Leageu Man City.

Kulankii ka dhacay Anfield xilli ciyaareedkii hore wakhtigan oo kale ayaa ku dhamaaday bar-baro 0/0 ah xilli uu Riyad Mahrez kooxda Man City ka khasaariyay rikoodhe wakhti dheer ah.

Darke ayaa rumaysan in ay tahay in uu Pep Guardiola ciyaaro kubad weerar ah hadii uu doonayo in uu ka badiyo kooxda Liverpool.

“Waxa aan odhan karaa Liverpool ayaa haatan ku jirta qaab fiican”ayuu Darke u sheegay ESPN.

“Klopp ayaa xiddigaha kooxdiisa ku tilmaamay kuwo aan is dhiibin waxana ay arintaas cadaatay kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkan”.

“Waxa ay ka dambeeyeen Tottenham laakiin guul soo laabasho leh ayay gaadheen”.

“Waxa ay ku ciyaareen Old Trafford iyaga oo aan ku jirin qaab fiican hadana waxa ay dhaliyeen bar-baraha”.

“Mar kale waxa ay daqiiqadihii ugu dambeeyay guul soo laabasho leh ka gaadheen Aston Villa”.

“Kulanka Anfield ka dhici doona waxan u malaynayaa in uu bar-baruhu xitaa u fiicanyahay Liverpool sababta oo ah waxa ay ka horeeyaan 6 dhibcood”.

“Xilli ciyaareedkii hore waan xasuustaa Pep Guardiola iyo City ayaa tagay Anfield umayna ciyaarin sida ay City u ciyaarto waxa ay u ciyaareen si ay doonayeen hal dhibic”.

“Xilli ciyaareedkan waxa ay City ku qasbantahay in ay ciyaaraan kubad weerar ah si ay u soo yareeyaan dhibcaha”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*