Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Maguire & McTominay

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Xiddigaha kooxdiisa ee Harry Maguire & Scott McTominay kuwaas oo dhaawacyo ka soo gaadheen kulankii Europa League ee ay Red Devils guusha ka gaadhay kooxda Partizan Belgrade.

Man United ayaa guul 3/0 ah ka gaadhay kooxda Partizan Belgrade iyaga oo iska xaadiriyay wareega 32-ka tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.

Solskjaer oo ka hadlaya xaalada labada xiddig ayaa yidhi”Scott McTominay waxa uu ii sheegay in uu fiicnaan doono mana garanayo inta uu leegyahay dhaawacu laakiin waxa aan rajaynaynaa in uu ciyaaro kulanka Brighton”.

Isaga oo ka hadlaya xaalada Maguire ayuu yidhi”Waxan u malaynayaa in uu Harry fiicnaan doono dhaawaciisu ma ahan mid weyn wax wal-wal ahna naguma hayso”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*