Muxuu Ahaa Codsigii Taageerayaasha Real Madrid Markii Ay Kooxdoodu Heshay Rikoodhadii Ugu Horaysay Kulankii Galatasaray, Xiddigee Ayay La Doonayeen Rikoodhada.

Taageerayaasha Kooxda Real Madrid ee joogay garoonka Santiago Bernabéu ayaa doonayay in uu rikoodhadii ugu horaysay ee ay Real Madrid heshay kulankii Galatasaray laagto da,yarka Rodrygo kaas oo dhaliyay 2 gool 7-dii daqiiqo ee ugu horaysay ciyaarta.

Xiddiga reer Brazil ee Rodrygo ayaa laba gool u dhaliyay Real Madrid 7-dii daqiiqo ee ugu horaysay ciyaarta isaga oo kooxdiisa siiyay hogaan aad u fudud.

Laakiin Real Madrid aya daqiiqadii 14-aad heshay rikoodhe kadib markii Khalad lagu galay Toni Kroos waxana u istaagay kabtanka kooxda ee Sergio Ramos.

Si kasta ha ahaatee taageerayaasha Real Madrid ayaa ku heesay magaca Rodrygo iyaga oo doonayay in uu isagu laagto rikoodhada si uu u dhamaystiro saddexleyda.

Laakiin Sergio Ramos ayaa laagtay rikoodhada inkasta oo ayna arintaas ka hor istaagin uu da,yarku dhaliyo goolkiisii 3-aad qaybtii dambe ee ciyaarta.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*