Maxay Taageerayaasha Leicester City Ugu Heeseen Unai Emery Kadib Guuldaradii Soo Gaadhay Gunners?

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayuu cadaadisku ku sii badanayaa kadib sidii xumayd ee ay ku bilaabatay kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan xilli ay aad fogyihiin kooxda kaalinta 4-aad ku jirta.

Taageerayaasha Arsenal ayaa Tababare Emery ugu heesay “Waxa lagu caydhin doonaa maalmaha soo socda”:- taas oo keentay in ay taageerayaasha Arsenal kula biiraan heesta.

Kooxda Arsenal ayuu xaalku ku sii xumaaday kadib guuldaradii ka soo gaadhay Leicester City ee 2/0 ahayd kana dhacday garoonka King Power.

Arsenal ayaa la kulantay guuldaradii 3-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo kaliya badiyay 4 kulan sidoo kale bar-baro la kulmay 5 kulan oo kale.

Mustaqbalka Unai Emery ayaa si weyn isha loogu hayn doonaa 2-da todobaad ee lagu jiro fasaxa xulalka iyada oo la eegi doono sida ay wax u dhacaan.

Taageerayaasha Arsenal ayaa dhankooda haatanba dalbanaya in shaqada laga caydhiyo tababare Emery ka hor inta ayna kooxdu xilli ciyaareed kale seegin tartanka champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*