Marco Verratti Oo Kashifay Sababtii Uu Neymar U Doonayay In Uu Ugu Laabto Barcelona Xagaagii.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda PSG ee Marco Verratti ayaa kashifay sababtii uu xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Neymar u doonayay in uu ku biiro kooxda Barcelona intii lagu jiray suuqii xagaaga kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa si aad ah u doonayay in uu xagaagii ku laabto kooxda Barcelona suuqii xagaaga 2 sano kadib markii uu isaga tagay kooxda Barcelona.

Marco Verratti oo la hadlaya wargayska Telefoot ayaa yidhi”Neymar waa qof fiican marka uu ku soo laabto garoonka waxa uu dareemaa farxad weyn”.

“Sababta uu u doonayay in uu isaga tago kooxda xagaagii ayaa ahayd sabab la xidhiidha in uu soo maray wakhti adag kadib dhaawacyo soo maray waana sababtii uu ugu fikiray una doonayay in uu ugu laabto Barcelona”.

“Laakiin ugu dambayn waxa uu sii joogay kooxda PSG Waxana uu u tababartaa si adag si uu u caawiyo kooxda PSG”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*