Man United Oo Ka Warbixisay 11 Xiddig Oo Ka Dhaawacmay Kooxda 1-aad Ka Hor Kulanka Brighton.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa kulanka Brighton waayi kara 11 xiddig oo kooxda 1-aad ah kuwaas oo uu ku waayi karo dhaawacyo kala duwan oo ay qabaan.

Kooxda Man United ayaa Brighton ku soo dhawayn doonta Old Trafford Axada iyaga oo isha ku haya kulankoodii 4-aad ee horyaalka preimier League xilli ciyaareedkan.

Ole Gunnar Solskjaer ayay ilaa haatan meesha uu la doonayo Man United hor istaageen dhaawacyo xidhiidh ah taas oo ku keentay in uu waayo xiddigo muhiim ah.

Laakiin Miyuu tababare Ole Gunnar Solskjaer dib ugu yeedhi doonaa xiddigaha qolka daawaynta kaga jira halkan hoose kaga bogo warbixinta xaaladooda.

Victor Lindelof

xiddiga reer Sweden ayaa seegay kulankii Khamiistii ee Europa League sabab la xidhiidha dhaawac dhabarka ka soo gaadhay.

Laakiin tababare Solskjaer ayaa rumaysan in uu daafaca dhexe taam u noqon doono kulanka Brighton isaga oo yidhi” Waxa aan rajaynayaa in uu taam u noqdo kulanka Axada laakiin ma hubo”.

Scott McTominay

xiddiga khadka dhexe ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Man United xilli ciyaareedkan waxana uu dhaawac kuraanta ah ka soo gaadhay kulankii Europa League.

“Scott ayaa wal-wal nagu haya sidaas darteed aan eegno in uu soo kabsan karo maalmaha soo socda”ayuu Solskjaer yidhi.

Harry Maguire:

Daafaca dhexe ayaa isaga laftiisu jog ka soo gaadhay kulankii Europa League laakiin tababaraha Man United ayaa sheegay in uu xiddigu taam u noqon doono kulanka Brighton.

Paul Pogba:

Xiddiga khadka dhexe ayaa sheegay 12 kulan xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha dhaawac kuraanta ka soo gaadhay bishii August.

Pogba ayaa la filayaa in uu sii maqnaado todobaadkan iyada oo uu tababaruhu sheegay in uu garoomada ku soo laaban doono kadib fasaxa xulalka.

Luke Shaw:

Daafaca dhexe ayaa garoomada ka maqan tan ilaa August kadib dhaawac muruqa ah oo soo gaadhay laakiin waxa uu wali ka maqnaan doona kooxda maadama uuna wali tababarka buuxa ku soo laaban.

Si kasta ha ahaatee Shaw ayaa taam u noqon doona kadib fasaxa xulalka.

Nemanja Matic:

Man United ayaan wali xaqiijin dhaawaca Matic garoomada u diiday muddo bil ah iyada oo markii ugu dambaysay ee laga warbixiyay ay ahayd todobaadyo ka hor laakiin Solskjaer ayaa sheegay in uu xiddigu soo laaban doono kadib fasaxa xulalka.

Axel Tuanzebe:

Xiddiga ka soo baxay Akademiyada kooxda ayaa xilli ciyaareedkan sameeyay horumar cajiib ah laakiin waxa arintaas hor istaagtay dhaawac Sinta ah.

Axel Tuanzebe ayaa muddo 2 todobaad ah ka soo kabasanayay dhaawaca waxana laga yaabaa in uu taam u noqdo ciyaarista kooxda kadib fasaxa xulalka.

Eric Bailly:

Xiddigan ayaa dhaawacyo la dhibaatooday intii uu joogay Man United waxana uu garoomada ka maqan yahay tan ilaa intii uuna bilaaban xilli ciyaareedku laakiin xiddiga ayaa ku soo laabtay tababarka labadii todobaad ee ugu dambeeyay waxana uu taam noqon doonaa bartamaha bisha December.

Diogo Dalot:

Kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac sinta ah xiddiga reer Portugal ayaa dib uga dhaawacmay isla booskii hore kulankii Newcastle.

Xiddiga ayaana haatan ku dhaw in uu ku soo laabto garoomada inkasta oo uuna ciyaari doonin kulanka Axada.

Angel Gomes:

Da,yarka ayaan kooxda u ciyaarin ilaa 3 bishii October kadib markii uu ka dhaawacmay suulka tababare Solskjaer ayaanan wax warbixin ah ka soo saarin xaaladiisa.

Timothy Fosu-Mensah:

Xiddigan ayaa garoomada ka maqnaa ilaa bishii April kadib dhaawac xun oo soo gaadhay laakiin xiddiga ayaa isku soo saray todobaadkii hore tababarka kaliga ah ee kooxdiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*