Man City Mise Liverpool? Arsene Wenger Oo Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Liverpool & Man City Ee Axada

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal Ee Arsene Wenger ayaa saadaaliyay kulanka adag ee ay kooxda Liverpool marti galin doonto kooxda Man City kana tirsan horyaalka premier League.

Arsene Wenger ayaa saadaaliyay in ay kooxda Liverpool guul ka gaadhi doonto kooxda Man City Axada dambe kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Reds ayaa Anfield ku marti galin doonta kooxda Man City kulan ay Liverpool isha ku hayso in ay 9 dhibcood ku hayso horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Wenger oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan sanadihii ugu dambeeyay aragnay adayga kulanka dhex mara labada kooxood, mana jirto meelo banaan badan”.

“Waxa aan arkayaa in ay Man City tahay oo tahay awood adag laakiin Liverpool ayaa ah koox weerar rogaal celis ah”.

“Anigu waxa aan saadaalinayaa in ay Liverpool garaaci doonto Man City sabab la xidhiidha dhibaatooyinka maqnaansho ee kooxda Man City”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*