Macasalaama Valverde! Tababaraha Shaqada Barcelona Ka Badali Kara Ernesto Valverde & Wakhtiga Uu Badali Karo Oo La Kashifay

Cadaadiska ayaa ku sii badanaya tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde Claudio Borghi ayaana rumaysan in shaqada laga caydhin karo tababaraha xilli ciyaareedkan iyada oo uu shaqada kala wareegi doono tababaraha kooxda River Plate ee Marcelo Gallardo.

Borghi oo koobka adduunka kula guulaystay xulka qaranka Argentine sanadkii 1986 haatana falanqeeye ka ah Tv ayaa sheegay in Marcelo Gallardo uu noqon doono tababaraha kooxda Barcelona ka hado dhamaadka sanadkan.

“Marcelo Gallardo waxa uu noqon doonaa tababaraha Barcelona bisha December”ayuu yidhi.

“Waa mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka”.

Tababare Valverde ayuu cadaadis xun saaran yahay kadib markii ay kooxda Barcelona si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaan wax guul ah gaadhin 2-dii kulan ee ugu dambeeyay kadib markii ay guuldaro kala kulantay Levante kulan horyaalka ah halka ay bar-baro la gashay Slavia Prague kulan ka tirsanaa champions League.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*