Maamulka Arsenal Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mustaqbalka Tababare Unai Emery Kadib Guuldaradii Leicester City

Unai Emery ayaan khatar ugu jirin in laga caydhiyo shaqada kooxda Arsenal inkasta oo ay Gunners wajahayso in ay sanad kale seegto tartanka champions League.

Tababaraha Cadaadisku saaranyahay ee Unai Emery ayaa lagu soo waramayaa in uu taageere 100% ah ka haysto maamulka kooxda kuwaas oo diyaar u ah in ay kalsoonida siiyaan tababaraha wakhtiga soo socda.

Arintan ayaa imanaysa kadib guuldaradii Arsenal ka soo gaadhay Leicester City taas oo keentay in ay 9 dhibcood ka dambayso kooxda kaalinta 4-aad ku jirta xilli ay taageerayaasha Arsenal lumiyeen kalsoonida tababaraha.

Si kasta ha ahaatee maamulka kooxda ayaa aaminsan in uu tababaruhu dhisay koox xoogan una baahan wakhti uu tababaruhu uga soo saaro qaab ciyaareed fiican iyaga oo ku kalsoon in uu Unai Emery kooxda ku hogaamin doono kaalinta 4-aad.

Arsenal ayaan doonayn in ay caydhiso Emery sabab la xidhiidha in ay tababaraha si xoogan ugu taageereen suuqa kala iibsiga una keeneen xiddigo uu ka mid yahay xiddiga ugu qaalisan ee Nicolas Pepe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*