Liverpool Oo Qaatay Tababarkoodii Ugu Horeeyay Ka Hor Kulanka Crystal Palace, Miyay Salah & Robertson Ka Qayb Qaateen

Kooxda Liverpool ayaa qaadatay tababarkii ugu horeeyay ee kadib fasaxa xulalka iyaga oo ay soo xaadireen xiddigihii aan ka qayb qaadan tartamaada xulalkooda iyo xiddigihii laga saaray xulalkooda.

Tababare Jurgen Klopp ayaa tababarka dib ugu soo dhaweeyay xiddiga Xherdan Shaqiri kaas oo dhaawac uga maqnaa kooxda mudadii ugu dambaysayy isaga oo si buuxda tababarka ula qaatay.

Sidoo kale Kabtanka Kooxda oo Virus looga saaray waajibaadka xulka qarankiisa ayaa sidoo kale si buuxda tababarka ula qaatay kooxda Liverpool ka hor kulanka Crystal Palace.

Wargayska Liverpool Echo ayaa sheegaya in uu Daafaca Joe Gomez tababar kali ah qaatay kadib markii dhaawac looga saaray xulka qarankiisa laakiin isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddigu taam u noqon doono kulanka Crystal Palace.

Laakiin waxa tababarka gabi ahaan seegay xiddigaha Mohamed Salah Iyo Andy Robertson kuwaas oo ku dhaawacmay kulankii ugu dambeeyay.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*