La Ogaaday: Liverpool Oo La Xaqiijiyay In Ay Isku Dayday Saxiixa Xiddig U Ciyaara Real Madrid

Xiddiga Rodrygo Goe ayaa wacdaro ka dhigaya kooxda Real Madrid laakiin waxa uu ku dhawaaday in uu ku biiro koox kal oo reer yurub ah ka hor intii uuna ku biirin Los Blancos.

Real Madrid ayaa saxiixa xiddiga heshay xagaagii 2018 iyaga oo Santos kala soo wareegay kana bixiyay lacag dhan 45 milyan oo euro.

Laakiin Tababarihii Rodrygo Goes ee Elano Blumer ahna tababarihii fursada siiyay da,yar ayaa sheegay in uu xiddigu ku dhawaa in uu ku biiro Liverpool.

“Waxa jiray xiiso xoogan oo uu xiddigu ka helayay Liverpool markii uu ku jiray kooxda da,yarka, laakiin dalabka ayaa ahaa mid aad u hooseeyay”ayuu U sheegay ESPN.

“Kadib waxa uu dalab fiican uga yimid Real Madrid”.

“Waxa aan la hadlay kooxda Real Madrid waxana aan u sheegay in uu da,yarku u qalmo in lagu khamaaro lacagta laga bixinayo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*