Kadib Markii Uu Kyle Walker Noqday Goolhaye Kulankii Atalanta Wax Ka Baro Xiddigaha Kale Ee Goolhaye Isku Badalay Ciyaarta Oo Socota.

Daafaca kooxda Man City ee Kyle Walker ayaa goolhaye isku badalay kulankii ay kooxdiisu bar-baraha la gashay kooxda Atalanta kulan ka tirsanaa tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Daafaca reer England ayaa xidhay gloves-yada Goolhayaha kadib markii kaadhka cas loo taagay Claudio Bravo kaas oo ciyaarta ka baxay kadib markii uu badalay Ederson oo dhaawac uga baxay ciyaarta.

Laakiin Walker oo 29 jir ah ayaan ahayn xiddigii ugu horeeyay ee aan Goolhaye noqon waxana aan halkan ku soo bandhigi doonaa Xiddigo kaga horeeyay oo Ku qasbanaaday in ay ciyaar goolka u galaan kooxdooda.

HARRY KANE:

Xiddiga reer England ayaa kooxdiisa Tottenham 3 gool u dhaliyay kulan ay 5/0 ku badiyeen oo Europa League ahaa laakiin waxa kaadhka cas loo taagay Goolhaye Hugo Lloris kooxda Tottenham ayaana wada samaysay 3-dii badal taas oo keentay in uu Harry Kane la wareego masuuliyada goolka daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

RIO FERDINAND:

Halyeyga Man United ee Rio ayaa ahaa daafac heer sare ah wakhtigii uu ciyaarayay kubada cagta marna kamuu fikirn in uu noqdo Goolhaye.

Laakiin sanadkii 2008 kulan ka tirsanaa 8 dhamaadka FA Cup-ka ayaa Ferdinand loo dhiibay masuuliyada Goolka Waxana uu ku fashilmay in uu rikoodhe badbaadiyo kadib markii laga ciyaarsiiyay booska Tomasz Kuszczak oo ciyaarta laga saaray kadib markii uu badalay Edwin Van Der Sar.

JOHN TERRY:

Waxa aad moodaa in uu xidhiidh ka dhexeeyo daafacyadii hore ee England kuwaas oo soo qaaday masuuliyada goolhayanimo.

Halyeeyga chelsea ee John Terry ayaa galay goolka kulan ay kooxdiisa Blues la ciyaaraysay kooxda Readin sanadkii 2016 kadib markii ay 2-dii goolhayeba ka dhaawacmeen kooxda.

DANI ALVES:

Xiddiga reer Brazil ayaa isna isku badalay Goolhaye kulan at kooxda PSG xilli ciyaareedkii hore la ciyaaraysay kooxda Sochaux kulan ka tirsnaa French Cup kadib markii uu dhaawacmay Goolhaye Kevin Trapp.

VINNIE JONES:

Xiddiga reer Wales ayaa ka mid ah xiddigaha isku badalay Goolhayaha kadib markii uu sanadkii 1996 galay goolka kulan premier League ah oo ay kooxda MK Dons la ciyaaraysay kooxda Newcastle kadib markii ay dhamaan wada isticmaaleen badalkoodiis.

JOHN O’SHEA:

Waa xiddig kale oo goolka u galay Man United kadib markii uu Goolhaye Edwin Van der Saar sanka ka dhaawacmay xilli ay United ciyaarta marinaysay 4/0 waxana badalay O’Shea.

NIALL QUINN:

Xiddigan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ee xiddig ku qasbanaada in uu goolka galo kadib markii uu Goolhaye Tony Conton kaadhka cas looga taagay Man City taas oo keentay in uu Niall Quinn noqdo Goolhaye waxana uu badbaadiyay rikoodhe sanadkii 1991.

PHIL JAGIELKA:

Xiddigan reer England ayaa kooxdiisa Sheffield United u galay goolka xilli ay 1/0 ku hogaaminaysay Arsenal iyad aoo ay 30 daqiiqo ka dhimantahay ciyaarta ka dhaawacmay Goolhaye Paddy Kenny waxana uu galay goolka si uu laba badbaadin oo taariikhi ah ka sameeyao Robin Van Persie & Julio Baptista.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*