Jose Mourinho Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Ku Guulaysiga Horyaalka Kadib Guushii Man City

Tababarihii hore ee kooxaha Man United iyo chelsea Ee Jose Mourinho ayaa qirtay in ay Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib guushii ay ka gaadhay Man City.

Jose Mourinho ayaa sheegay in ay Reds markii ugu horaysay muddo 30 sano ah ku guulaysan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib qaab ciyaareedka fiican ee ay ku jirto kooxdu.

Tabbare Jose Mourinho ayaa falanqeeye ka ahaa kulankii adkaa ee dhexmaray kooxaha Liverpool iyo Man City isaga oo joogay Studio-ha shabakada caalamiga ah ee Sky Sport.

Mourinho oo ciyaarta kadib arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Hadii aad ka dambayso waa in aad dareento in aad soo qaban karto, hadii aad hogaaminayso horyaalka adiga oo waliba dhibco fiican ku hogaaminaya waa in aad run ahaantii dareento in aanu wali horyaalku dhamaan, laakiin anigu halkaas ma joogo, halkan ayaan joogaa”.

“Aniga fikirkayga wax walba way dhamaatay, Liverpool ayaana ku guulaysan doonta horyaalka, ilaa ay dhacdo arin la yaab leh oo bur-burisa kooxda sida dhaawacyo soo gaadha xiddigo badan oo muhiim u ah kooxda laakiin waxan u malaynayaa in ay Liverpool tahay koox dhamaystira”.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*