John Terry Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Chelsea Ka Hor Istaagay Saxiixa Sergio Aguero

Daafacii hore ee kooxda Chelsea ee John Terry ayaa beeniyay wararka maalmihii ugu dambeeyay sheegayay in uu Chelsea ka hor istaagay saxiixa Sergio Aguero ka hor intii uuna ku soo biirin kooxda Man City.

Wargaysyada England ayaa sheegay in ay Chelsea doonaysay saxiixa Sergio Aguero xagaagii 2009 markaas oo ay doonayeen weeraryahan ay ku xoojiyaan kooxda.

Warka ayaa sheegaya in ay chelsea xitaa wadahadalo la gashay kooxda Atletico Madrid si ay u hesho xiddiga weerarka ka ciyaara.

John Terry oo arintaas ka hadlaya bogiisa Instagram-ka ku soo qoray”Halkee ayay ka heleen wararkaas? warkaas waxba kama jiraan waana war been ah”.

Aguero ayaa haatan ka mid ah xiddigaha ugu goolasha badan taariikhda Premier League isaga oo kooxda Man City kula guulaystay koobab badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*